Home / Caafimaad / Maxay tahay sababta aanan inta badan u xusuusan karin riyada habeenkii?

Maxay tahay sababta aanan inta badan u xusuusan karin riyada habeenkii?

Himilo- Seynisyahano ayaa daaha ka qaaday sababta aanan u xusuusan karin riyooyinka qaar ee habeenkii iyaga oo u tiiriyay shaqada unugyada neerfaha oo kaalin weyn ku leh arrintan.

Marka aan qaadaneyno hurdada, maskaxda ayaa dib u soo celinaysa xusuusta aan sameynay maalintii oo dhan, waxayna go’aan ka gaaraysaa inta ay tahay in la sii hayo iyo kuwa aan muhiimka aheyn, sidaa darteed illoobida waxaa lagu tirinayaa wax caadi ah.

Baaritaanka khubaradan ayaa xaqiijiyay daraasado hore oo tilmaamay in hurdada tahay wakhtiga maskaxda qofka ay keydiso xusuusta maalintii si loogu daro diiwaanka nolosha.

Khubarada ayaa daraaseeyay unugyada neerfaha ee MCH kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan sida hurdada, dareenada caadifada leh iyo rabitaanka cuntada.

Thomas Celdov oo katirsan xarunta SRI ee culuumta neerfaha ayaa xusay inay tijaabiyeen neerfaha jiirka ama dooliga oo inta badan loo qaato tusaale marka la doonayo in la sameeyo baaritaano la xiriira bini’aadamka.

Khabiirka ayaa intaa raaciyay in unugyada neerfaha ay mas’uul ka yihiin xusuusta loo baahan yahay in la keydiyo iyo inta ay tahay in laga tirtiro maskaxda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan