Home / Caafimaad / Maxay tahay sababta aysan u ilmeyn dhallaanka-dhawaan dhaladka ah?

Maxay tahay sababta aysan u ilmeyn dhallaanka-dhawaan dhaladka ah?

Himilo- Dhallaanka dhawaan-dhaladka ah ayaa inbadan sameeya ooyin, waxaa loo arkaa tilmaam wanaagsan oo ka tarjumeysa caafimaadkiisa laakiin maxay tahay sababta aysan u ilmeyn dhallaanka toddobaadyada ugu horreeya?

Waa su’aal ku soo laabatay maskaxda dad badan oo ay khubaro isku dayeen inay u helaan jawaab cilmiyeysan oo lagu wada qanci karo.

Khabiir katirsan jaamacadda California ayaa sheegay in dhallaanka dhawaan-dhaladka ah aysan ka imaan ilmo sababta waa in korriimo ku socoto kanaalada  ilmada ee jirkooda.

Dr Sig Timberline ayaa xusay in kanaalada ilmada ee dhalaanka soo saaraan inyar oo ilmo ah oo qoyaan ka dhigta indhaha, sidaa darteed kuma filna in bannaanka loo saaro.

Waxa uu intaa raaciyay dhaqtarka carruurta in kanaalada ilmada dhallaanka ay soo saaraan ilmo badan marka uu cunugga ooyo seddex ama afar toddobaad.

Waxaa sidoo kale jirta in dhallaanka-dhawaan dhaladka ah aysan soo saarin dhidid, waxaana sababta loo celinayaa in qanjirada qaabilsan in aysan si rasmi u shaqo bilaabin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan