Himilo FM –Caano nuug da’diisu tahay sannad iyo bar ayaa maray qaliin adag oo lagu jarayo qeyb kamid ah carabkiisa si uu awood ugu yeesho hadalka islamarkaana uu si dabiici ah u qaadan karo cuntada.
Sida laga soo xigtay wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska, caano nuugga oo ka soo jeeda Mareykanka ayaa ku dhashay carab weyn oo ku laba jibaarma culeyska carabka qofka weyn uu leeyahay.
Dhaqaatiirta ayaa oggaatay in cunugga oo ku dhashay qaliin uu qabo xanuun mar la arag ah oo horseedaya in qofka uu ka weynaado carabka iyaga oo sheegay in uu u baahan yahay qaliin.
Qaliinka oo lagu sameeyay Oklahoma kaddib, hooyada dhashay cunugga ayaa xustay in muuqaalka wiilka uu soo hagaagay islamarkaana xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay.
Khubarada ayaa tilmaamaya in cunugga u baahan yahay in uu mar kale barto habka loo qaato cuntada iyo dhawaqa hagaagsan. Lacago badan ayaa loogu uruurinayaa Internet-ka.