Home / Deegaan / Maxay tahay sababta dad badan uga guuraan magaalada Paris?

Maxay tahay sababta dad badan uga guuraan magaalada Paris?


Himilo FM – Magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxaa sannad kasta ka taga 12 kun oo qofood, waxayna arrintan socotaa muddo dhowr sanno ah.

Sida laga soo xigtay machadka Faransiiska ee tirakoobyada iyo daraasadaha dhaqaale, magaalada Paris waxaa ka qaxay ku dhawaad 60 kun oo qofood intii u dhaxaysay sanadihii 2011-2016.

Wargeys ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in heerka dhalashada hoos u dhacday sanadkii 2016 marka loo fiiriyo 10-kii sanno ee ugu horreysay qarnigan.

Sababta dhalmo yarida waxaa loo celinayaa iyada oo haweenka Faransiiska aysan dooneyn inay dhalaan kahor da’da 30-ka sanno.  Waxaa kale oo jirta in haweenka qaar aysan rabin carruur badan.

Waxaa xusid mudan in qoysaska carruurta badan inay doorbidaan ku noolaanshaha duleedyada magaalada ama baadiyaha fog si ay u helaan bad ballaaran.

Qiimaha guryaha ee sii kacaya ee Paris ayaa iyaduna kamid ah sababaha dadka ku riixaya inay ka tagaan caasimadda iyaga oo gaaraya magaalooyinka kale ee dalka .


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan