Maxay tahay sababta dadka looga daad-gureeyay Cape Town?

Himilo – Ku dhowaad 200 qoys ayaa laga daadgureeyay xaafado ku yaalla Cape Town, Koonfur Afrika, kadib markii dab xooggan uu ka kacay Beerta Qaranka Table Mountain.

Afhayeenka Adeegga Dab-demiska ee magaalada, ayaa sheegay in saddex meel oo kala duwan uu dabku ka bilowday, islamarkaana uu weli socda. Ilaa hadda dhimasho lama soo sheegin, hase yeeshee hal haweeney dab-demis ah ayaa dhaawacantay.

Dabku wuxuu baabi’iyay 3,000 hektar oo keyn ah, iyadoo 250 dab-demis iyo afar diyaaradood oo biyo ku rushaynaya ay la tacaalayaan dabka oo ay dabaylo xooggan ay hurinayaan.

Afhayeenka wuxuu sheegay in wali aysan dabcin xaaladda dabka, islamarkaana dadweynaha lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagagga buurta. Baaritaanno hordhac ah ayaa muujinaya in dabka si kas ah loo shiday.

Wuxuu intaas ku daray in cabsi iyo walaac xoogan uu hareeyay dadka deegaanka, gaar ahaan dadka da’da ah iyo kuwa xanuunsan oo raadinaya goob ammaan ah.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan