Himilo – shacabka Ingiriiska ayaa saaka u dareeray doorashada guud ee lagu soo dooranayo hoggaamiyaha cusub ee hoggaamin doona dalkaasi.
Goobaha codbixinta ayaa la furay 7-da subaxnimo, waxayna codeyntu socon doontaa illaa 10:00 caweysnimo.
Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya 650-ka kursi ee Aqalka Baarlamaanka uu ka kooban yahay, iyagoo codkooda siinaya musharaxa ay door bidayaan.
Xisbigii ku guuleysta aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka ayaa soo dhisi doona xukuumadda cusub ee dalka maamuli doonta.
Xisbiga Muxaafadka UK ee Conservative-ka ayaa sanadkan tartan adag oo doorasho kala kulmaya Xisbiga Mucaaradka ee Labour-ka.
Xog uruurinta la sameeyay ayaa muujineysa inay suurtagal tahay in Xisbiga Conservative-ka uu lumiyo doorashadan, ka dib 14 sano oo dalka uu maamulayay.
Natiijada doorashada ayaa soo bixi doonta Jimcaha, inkastoo dadku ay dhaqdhaqaaqa sida ay wax u socdaan, kala socon doonaan Warbaahinta dalkaasi.
Doorashada waxaa laga soo hormariye waqtigeeda kadib markii shacabka England ay si cad uga soo horjeesteen siyaasadda dowladooda ee bariga dhexe iyo Falastiin