Himilo – Dhacdo layaab leh oo mar la arag ah, ganacsade u dhashay Canada ayaa gubay 1 Milyan doolar oo kaash ah si aysan u helin haweenay ay kala tageen. Lacagta waxay qeyb ka ahayd xalka furriinka labada qofood.
Bruce McConnell oo deggan magaalada Ottawa ayaa qirtay in uu gubay lacagta kaddib markii uu dareemay niyad jab xooggan markii loo sheegay in kumanaan doolar uu ku bixinayo nolosha xaaskiisa iyo carruurtiisa.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, qaadiga maxkamadda sarre ee Canada ma uusan aqoonsan qirashada layaabka leh ee Bruce McConnell. Sidaa darteed, waxa uu ku xukumay 30 maalin oo xabsi ah iyada oo lagu amray in uu sheego halka ay taallo lacagta.
Mr Bruce ayaa isku sharraxay xilka duqa caasimadda Canada labo sanno kahor balse ol-olihiisa ayaa ku dhammaaday fashil. Hadda waxaa loo heystaa in uu iibiyay dhammaan wixii hanti ah oo uu lahaa kahor inta uusan gubin lacagta kaashka ah.
Waxaa kale oo loo heystaa in uu iska indho-tiray lacagta ay ku amartay maxkamadda in uu bixiyo oo gaaraysa 300 doolar.
Eedeysanaha ayaa u muuqda in uu ku adkeysanayo qirashadiisa, waxa uu tilmaamayaa in uu lacagta gubay labo jeer. Marka hore, waxa uu dab qabad siiyay $743,000 halka markii danbe uu gubay $296,000