Maxay tahay sababta habeenkii gobolka Crimea looga mamnuucayo mootooyinka?

Himilo – Maamulka Ruushka ee gacanta ku haya gobolka Crimea ayaa mamnuucay isticmaalka mootooyinka, scooters-ka iyo gaadiidka kale ee yaryar ee matoorrada leh xilliyada habeenkii, iyagoo sheegay in dhawaaqooda lagu khaldi karo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Guddoomiyaha Crimea ee uu Ruushku magacaabay, Sergei Aksyonov, ayaa sheegay in tallaabadan ku-meel-gaarka ah ay dhaqan geli doonto laga bilaabo Arbacada, iyadoo mamnuuciddu socon doonto inta u dhexeysa 8:00 fiidnimo ilaa 6:00 subaxnimo, si loo ilaaliyo xarumaha milatari iyo goobaha muhiimka ah.

La-taliyihiisa Oleg Kryuchkov ayaa sheegay in codka matoorrada mootooyinka uu aad ugu egyahay kan diyaaradaha drones-ka, taasoo caqabad ku noqota shaqada nidaamyada difaaca hawada. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Ukraine inay dhalinyarada ku dhiirrigelinayso inay habeenkii mootooyin ku kaxeeyaan si ay jahwareer u abuuraan.

Mamnuucidda cusub ma saameynayso baabuurta iyo gaadiidka waaweyn. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Ukraine ay xoojisay weerarrada drones-ka ee Crimea, oo hoy u ah Ciidanka Badda Madow ee Ruushka, iyadoo bartilmaameedsanaysa marinada saadka iyo kaabayaasha tamarta.

Dhanka kale, magaalada Sevastopol ayaa sii wadday xaddidaadda shidaalka oo gaari kasta loogu oggol yahay ugu badnaan 20 litir, iyadoo ay jirto dhibaato shidaal oo sii xoogeysanaysa. Sidoo kale, weerar drone oo Ukraine ay qaaday Talaadadii ayaa hakiyay shaqadii warshad sifeysa shidaalka oo ku taalla Moscow.

Magaalada Moscow, nidaamyada difaaca hawada Ruushka ayaa habeenkii Arbacada soo riday 10 diyaaradood oo drone ah oo kusii jeeday caasimadda, sida uu sheegay duqa magaalada Sergei Sobyanin.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Ruushka ay tahay inuu nabad la gaaro Ukraine, kadib kulan uu ku tilmaamay “mid aad u wanaagsan” oo uu la yeeshay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, hadal ay hoggaamiyeyaasha G7 ku tilmaameen mid kor u qaadaya rajada heshiis nabadeed.

error: Copy lama Ogola Fadlan