Himilo FM – Waxay nooshahay muddo 104 sanno ah oo aysan sameyn wax dambi ah ama khilaafsan sharciga hase ahaatee waxay hadda dooneysaa inay tijaabiso dhinaca kale ee nolosha.
Wargeyska “ Bristol Post” ayaa qoray in haweenay lagu magacaabo Anne Brokenbrow oo ku nool xarun lagu xanaaneeyo dadka waaweyn inay dooneyso inay rumeyso mid kamid riyooyinkeeda ugu danbeeya oo ah inay xabsi gasho si ay u soo tijaabiso noloshiisa.
Warqad ay qortay haweenayda ayay ku sheegtay inaysan sameyn wax danbi ah oo khilaafsan sharciga nolosheeda islamarkaana ahayd muwaadin u hoggaansama sharciga.
Waxay intaa raacisay inay hadda xiiseynayso in booliiska xeraan islamarkaana dhigaan xabsi iyadoo 104 jir ah si ay u soo tijaabiso nolosha halkaasi ka jirta.
“Da’deyda waa 104 jir, waxaan markasta ahaa muwaadin u hoggaansama sharciga, waxaan hadda doonayaa inaan arko baalka madow ee nolosha,” ayay qoraal ku tiri Ms Anne.
Farriinta haweenayda waxay ku qortay warqad guud oo loogu tala galay in dadka da’da ah lagu weydiiyo riyada ay jeclaan lahaayeen inay rumeeyaan hase ahaatee codsiga haweenayda ayaa noqday mid dad badan la yaabeen.
Booliiska ayaa si dhaqso ah uga soo jawaabay farriinta haweenayda, waxayna ballan qaadeen inay xeri doonaan haweenayda 20-ka bishan Maarso iyadoo la dhigayo xabsi weyn.