Himilo – Haweenay Mareykan ah ayaa shaacisay in saygeeda uu iib yahay oo uu ku fadhiyo qiimo dhan 110 doolar sida laga soo xigtay wargeyska The Sun.
Sababta loo beecinayo ninka ayay haweenayda ku sheegtay inay la xiriirto surwaal kamid ah dharkeeda oo uu sabab u noqday ninka in uu ka yaraado.
Haweenayda ayaa bogga ay ku leedahay Facebook-ga soo dhigtay sawirka saygeeda oo dareemaya xishood iyada oo tilmaameysa in danbiga uu galay uu yahay mid aan la cafin karin.
Sawirka waxaa ka muuqda surwaal cabbir ahaan la ek carruurta laakiin u muuqda in uu ka gaabtay haweenayda sabab ku qotonta cillad xagga qasaaladda ah.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, haweenayda oo kaftameysa ayaa sheegtay in saygeeda uu iib yahay iyada oo dooneyso inay dib u hesho lacagta surwaalka oo dhan 199 doolar.