Home / Arrimaha Bulshada / Maxay tahay sababta loo xiray nin guursaday xaas labaad dalka Pakistan?

Maxay tahay sababta loo xiray nin guursaday xaas labaad dalka Pakistan?

Himilo -Maxkamadda gobalka Lahore ayaa xabsi iyo ganaax lacageed ku ridday nin guursaday xaas labaad isaga oo aan oggolaansho weydiisan xaaskiisa koowaad.

Qaadiga maxkamadda Amanullah Bhatti ayaa dhageystay kiiska dacwadda haweeneyda ee  ku aadan in xaajigeeda uu guursaday haweeney kale isaga oo aan ogeysiin iyada.

Ninkan ayaa gacanta loo geliyey 11 bil oo xarig ah iyo lacag dhan 3639 doolar oo u dhiganta Rs 250000 lacagta dalka Pakistan. Booliska ayaana xabsiga u taxaabay kaddib cabashada kaga timid ninka xaaskiisa Shamim Bibi.

Sida ku xusan xeerka qoyska Pakistan ee la qoray sannadkii 1961-kii, haddii uu ninka xaas labaad guursado isaga oo aan oggolaansho ka heysan xaaskiisa koowaad uu marayo ciqaab lacageed iyo mid xabsi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan