Home / Cayaaro / Maxay tahay sababta xiddigaha Real Madrid u taagersan yihiin Atletico Madrid?

Maxay tahay sababta xiddigaha Real Madrid u taagersan yihiin Atletico Madrid?

Himilo FM –Xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa doonaya inay arkaan kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid oo ka badineysa kooxda Juventus lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League, halkaasi oo uu joogo xiddigii hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Kooxda Los Rojiblancos ayaa 2-0 kaga badisay Wanda Metropolitano hoggaamiyayaasha Serie A bartamihii isbuucii tagay iyagoo faa’iido weyn heysta kulanka lugta labaad ee bisha soo aadan.

Ronaldo oo aan shabaqa soo taaban intii lagu guda jiray ciyaarta ayaa ahaa hordhaca koowaad ee boggaga caalamka maalintii xigtay kaddib markii uu taageerayaasha Atletico u sheegay in isaga uu heysto shan koob oo Champions League ah iyaguna aysan waxba heysan.

Wargeyska Isbaanishka AS ayaa haatan sheegaya in ciyaartoyda Los Blancos ay doorbidi doonaan inay arkaan kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada Madrid oo ka badinaysa Juventus.

Weeraryahanka 34 sanno jirka ah ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka, isagoo leh 121 gool oo uu ku diiwan geliyay magaciisa hase yeeshee xilli ciyaareedkan keliya hal gool ayuu ka dhaliyay Champions League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan