Home / Arrimaha Bulshada / Maxay yihiin rikoorada uu sameeyay aroos wadareed lagu qabtay Dagestan?

Maxay yihiin rikoorada uu sameeyay aroos wadareed lagu qabtay Dagestan?

Himilo- Hay’adda Guinness World Records ayaa diiwaan gelisay labo rikoor oo uu sameeyay aroos wadareed lagu qabtay magaalada Derbent ee Ruushka.

Sida laga soo xigtay qoraal ka soo baxay maamulka magaalada Derbent, aroos wadareedka la qabtay ayaa dhigay labo rikoor oo kala duwan. Waxa uu marka hore noqday arooskii ugu weynaa oo ay isku guursadaan dadkii ugu badnaa ee kala qowmiyado ah.

Waxaa kale oo aroos wadareedka uu noqday kii ugu ballaarnaa caalamka oo ay ka qeyb galaan martidii ugu badneyd.

Maamulka magaalada caasimadda u ah Dagestan ayaa xusay in 30 lamaane ah oo katirsan 16 kooxo isireed kala duwan in loo sameeyay guur wadareed halka tirada martida arooska noqotay 10 kun oo qofood.

Lamaanaha ugu da’da yar ee uu kulmiyay guur wadareedka ayaa noqday Aydınbek Aydınbekov iyo Kamila Gözelova. Waxaa da’dooda lagu sheegay 19 jirro.

Duqa magaalada Derbent Hizri Abakarov oo lahaa qaban qaabada guur wadareedka ayaa sheegay in xafladda arooska lagu qabtay garoonka Narın Kale Stadium iyadoo ay ka qeyb galeen dad ka socday dhammaan gobalada Ruushka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan