Himilo – Jerry Thomas oo hadda 62 jir ah ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Mareykanka oo uu ku qaatay muddo 30 sanno ah kaddib markii la oggaaday in uusan gelin danbiga loo xukumay.
Sannadkii 1991-kii ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay haweenay isaga oo xabsi la dhigay.
Tan iyo xilligaasi, Jerry ayaa dadaal ugu jiray sidii uu isaga difaaci lahaa danbiga dusha laga saaray ee uu ku muteystay xabsiga dheer.
Waxaa caawiyay oo kaalmeynayay urruro u dooda xuquuqda dadka oo ka dhisan dhowr magaalo oo ku yaalla Mareykanka.
“Haddii uu booliiska sameyn lahaa baaritaan dhab ah, ma dhici laheyn in la xero Thomas,” ayuu yiri qof kamid ah dadka u doodaya dacwadda maxbuuska.
Booliiska ayaan soo bandhigin caddeymo dhammeystiran markii 50-sanno oo xarig ah lagu xukumay Thomas muddo immika laga joogo 30 sanno.
Go’aanka maxkamadda kaddib, Thomas ayaa faallo dhiibtay kaddib markii uu dib u helay xurriyadiisa isaga oo yiri “Aad baan u farraxsanahay, waayo waxaan ku laabanayaa gurigeyga iyo qoyskeyga.”