Home / Cayaaro / Maxey tahay sababta Luis Figo uu Barca kaga wareegay Real Madrid?

Maxey tahay sababta Luis Figo uu Barca kaga wareegay Real Madrid?


Himilo FM –Mar kasta oo la soo hadal qaado xiddigii hore ee xulka Portugal, waxa imaneysa is-weydiinta ah, Maxuu Barcelona uga tagay xagaagii 2000 islamarkaana uu ugu biiray naadiga ay xifaaltamaan ee Real Madrid?.

Ninkaan reer Portugal ayaa carrabka la helay sababtii ku kalliftay katagitaanka Barcelona, waxa uuna ku sheegay si uu sare ugu qaado mustaqbalkiisa dhaqaale iyo kan kubadeed.

Waxa uu yiri “ Barcelona xilligaas waxa ey ku jirtay mushkilad dhaqaale iyo mid kubadeed, dunidadana ma eysan aheyn sida ay maanta tahay”, isla sababtaas ayuu ku sheegay iney aheyd tii Ronaldo Luís Nazário uu uga tagay kooxda sanaddii 1997, markaas oo uu ku wareegay Inter Milan.

Ku guuleysi la’aanta naadiga Barcelona UEFA Champions League, marka laga reebo hal mar ka hor 2006 ayaa waxa ey saldhig u aheyd iney ku fashilanto suuqa kala iibsiga cayaartoyda taas beddelkeedana ey awoodi weydo iney heysato kuwa laf-dhabarta u ah kooxda.

Balse si kasta, Barca ayaa taa caksi u rogtay kaddib imaanshiyihii Camp Nou Ronaldinho iyo Messi, markaas oo ey Barcelona noqotay awood aan la loodi Karin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan