Home / Arrimaha Bulshada / Maxkamad ka mamnuucday muwaadin cabitaanka Pepsi-ga

Maxkamad ka mamnuucday muwaadin cabitaanka Pepsi-ga


Himilo FM –Maxkamad Mareykanka ku taalla ayaa muddo afar sanno ah waxay ka mamnuucday muwaadin dalkaasi u dhashay cabitaanka Pepsi-ga kaddib markii uu xaday gaari.

Qaadiga maxkamadda gobalka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa ciqaabta layaabka leh ku riday muwaadinka dhallinyarada ah ee Christopher Montilliano.

Ninka la xukumay ayaa lagu eedeeyay inuu been u sheegay booliiska markii la soo qabtay isaga oo ku jira xatooyada gaari.

Christopher oo 21 jir ah ayaa booliiska u sheegay inuu u socday goob lagu iibiyo cabitaanada gaar ahaan cabitaanka Pepsi-ga oo ah nuuca uu doorbiddo.

Qaadiga maxkamadda ayaa markii danbe go’aamisay in uusan Christopher cabi karin Pepsi-ga muddo afar sanno ah iyadoo tani loo arko ciqaab lagu toosinayo dhaqankiisa.

“ Ciqaabtaada waa inaadan cabi karin Pepsi-ga, ” ayay tiri qaadiga maxkamadda.

Waxaaa xusid mudan in maxkamadda sidoo kale dul saartay Christopher ganaax lacageed oo gaaraya 100 doolar.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan