Home / Arrimaha Bulshada / Maxuu ka beddeli doonaa dhaqaalaha dalka heshiis badeedka Soomaaliya iyo Turkiga dhexmaray?

Maxuu ka beddeli doonaa dhaqaalaha dalka heshiis badeedka Soomaaliya iyo Turkiga dhexmaray?

Himilo- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  magaalada Antalya kula kulmay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, sid laga soo xigtay labada Madaxtooyo.

Is-aragga labada hoggaamiye ayaa ahaa kulan doceed ay yeesheen intii ay socotaya Madasha diblomaasiyadda Antalya taas oo ay kasoo muuqdeen qaar kamid ah madaxda dalalka caalamka.

Villa Soomaaliya ayaa werisay in kulanka looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonida gobolka gees ka Afrika.

Sidda ay daabacday warbaahinta Turkida, madaxweyne Erdoğan ayaa carabka ku adkeeyay in dhinacyadu ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqaalaha iyo difaaca.

Saxaafadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa ay tabineysaa in Erdoğan uu muujiyay in Ankara ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo xiriirka ka dhaxeeya uu si weyn hoos ugu dhacay.

Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa goradda is-daray markii xukuumadda Abiy Axmed ay heshiis la gashay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somalilnad kaas oo dunida aysan aqoonsaneyn.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii Febraayo kala saxiixdey heshiis ujeedadiisu ahayd xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah gaar ahaan difaaca badda iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Sida ku cad heshiiskan oo ay saxiixeen wasiirrada gaashaandhigga, isla markaana uu dhawaan ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya, Turkigu wuxuu siin doonaa tababaro iyo qalabayn ciidamada badda Soomaaliya.

Talaabadan waxa ay u ogolaanaysaa Soomaaliya inay ka ilaaliso kheyraadka badda khataraha sida burcad-badeedka iyo “faragelinta shisheeye. ”.

Heshiiska ayaa sidoo kale sare u qaadi doona horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsi ee labada dal, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kalluumeysiga, dalxiiska iyo tamarta ballaaran.

Ra’iisul-wasaare Xamse Cabdi Barre oo guddoominayay shirka golaha wasiirrada ee lagu ansixiyay heshiiska ayaa ku qeexay guul taariikhi ah oo dalka u soo hoyatay, isagoo uga mahadceliyay Turkiga taageeradiisa.

Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Africa, dadkeedu si wanaagsan ugama faa’iideystaan qeyraadka ku jiro, dad badan ayaana heshiiskan u arka mid kordhin kara wax soo saarka kalluunka Soomaaliya.

 

 

Qalinkii: Cali Hilowle 

Achilowle@gmail.com 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan