Home / Arrimaha Bulshada / Maxuu yahay 1Xbet? “Sharadka Ciyaaraha’.

Maxuu yahay 1Xbet? “Sharadka Ciyaaraha’.

Himilo-War-saxaafadeed ka soo baxay gudiga la dagaalanka lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu mamnuuc ka yahay Khamaarku, iyadoo si gaar ah war-saxaafadeedka loogu cadeeyey nuuca Online ka ah ee 1XBET.

Sharadka ciyaaraha Online’ka (online sports betting) waxay aad ula mid noqotay sigaarka, ama kafeegga, taas oo haddii aad Isku daydo in aad joojiso ay adagtahay. Sharadkaan waa sida balwad in kastoo loo ekeysiiyay madadaalo.

Waa maxay Sharadka Ciyaaraha?

Sharadka ciyaaraha waxaa si fudud loogu qeexi karaa “waa marka aad lacag dul dhigto natiijada dhacdo isboorti oo aad filayso inaad faa’iido samaynayso”. Sannadihii u dambeeyay, qaybo badan oo ka mid ah wadamada soo koraya gaar ahaan wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya waxay la kulmeen koror aan hore loo arag oo ku yimid shirkadaha khamaarka ee Online’ka.

Saameynta 1Xbet.

Somalia waxa caan ka noqotay website’ka shirkadda la yiraahdo 1Xbet taaso iibiso ciyaaro khamaar aad u badan sida sadaalinta isbortiska, ciyaarista games si online ah, waxaa la aasaasay 2007 waxa ay ka diiwaan gashan tahay wadanka Qubrus. 1xbet ayaa si aad ah u fududeesay in lacag lagu shubo lagana baxo taaso ka dhigtay website ka ugu wayn Afrika ee iibiya ciyaaraha Khamaarka.

Dhalinyarada ciyaarto sharadka waxa ay wadagaan calaamado qabatin ah oo ay ka mid yihiin: ka been sheegidda balwadooda khamaarka, xatooyo si uu u khamaaro, shucuur kacsan, deyn qaadasho, khamaartan ilaa ay lacagta ka dhamaato, ku waalan khamaarka, ma joojin karo iyo kuwu kale oo badan.

Waxaa cajiib ah, dhalinyarada ciyaarta sharadka oo aan la shekeystay ayaa inta badan waxay ii sheegeen in lacagta ay ka helaan 1Xbet aysan cunin ehelkana u dirin balse ay ku faladaan, shaxaad ahaan ay u bixiyaan kana dhigtaan lacag magaalo joog ah.

Hadaba waxyeelo ka wayn majirto inaad Aakhiradaadu haleyso, waxaad Allah ka galeysaa danbi wayn oo waxad sameneyso wa khamaar. waxyeelada khamaarka maaha kaliya inaad lumiso lacag, sidoo kale wuxuu saameyn ku yeelan kartaa isku kalsoonida, xiriirka, caafimaadka jirka iyo maskaxda, waxqabadka shaqada, waxbarashada iyo nolosha bulshada.

Ugu danbeyn Islaamka dhexdiisa, khamaarka looma tixgalinayo inuu yahay ciyaar fudud ama madadaalo aan macquul ahayn. Quraanku waxa si wada jir ah u xaraantinimeeyay qamriga iyo khamaarka, isaga oo u aqoonsan labadaba cudur bulsheed kaas oo ah mid la qabatimo oo burburiya nolosha qofka iyo qoyska.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan