Himilo-Hay’adda caafimaadka Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo ‘CDC’ ayaa ku dhawaaqday in xanuun-ka MPOX uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah, kaddib markii faafitaanka xanuunkaasi uu kordhay tan iyo bilowgii July.
Madaxa Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee Afrika Jean Kaseya ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaal xoog leh si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka.
Xogta uu soo saaray ururka caafimaadka Midowga Africa ee CDC waxaa la xaqiijiye in kabadan 38,465 oo kiis oo xanuunka mpox ah halke ay u geeriyoodeen 1,456 oo ruux tan iyo bilowgii Janaayo 2022.
Xanuunka ayaa ku faafay dalal badan oo Afrika ah, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DRC). Dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ayaa hadda xaqiijiyay kiisaska xanuunka.
Mpox waa xanuun lagu kala qaado taabashada, waxa uu leeyahay calaamada hergabka oo kale. In kasta oo kiisaska badankood yihiin kuwo fudud, waxaa jiray dhimashooyin la xaqiijiyay.
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay inuu guddi degdeg ah u saari doono si ay uga doodaan Xaaladan Caafimaad ee dhammaan Caalamka Khuseysa.