Home / Cayaaro / Mbappe kama tagayo PSG illaa xagaaga danbe

Mbappe kama tagayo PSG illaa xagaaga danbe

Himilo – Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu sii joogayo kooxda PSG muddo 12 billood oo kale inkasta oo si weyn loola xiriiriyay Real Madrid.

Cayaaryahanka qaranka Faransiiska ayaa mar kale sameeyay bandhig wanaagsan ol-olaha 2019-20 isaga oo dhaliyay 30 gool islamarkaana caawiyay 17 kale 33 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Madrid ayaa si joogta ah loola xiriiriyay laacibka ku guuleystay koobka adduunka 2018 hase ahaatee kooxda reer Spain ayaa yareynaysa kharashaadkeeda xagaaga sabab la xiriirta xannuunka safmarka ah ee Karoona.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Mbappe ma dhiira gelinayo u dhaqaaqista Real Madrid billaha soo socda isaga oo doorbiddaya sii joogista PSG illaa xagaaga danbe.

Qandaraaska 21 jirka ee kooxda Thomas Tuchel ayaa ku eg June 2022.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan