Home / Cayaaro / Mbappe “Ma ahan in aan ka welwelno maqnaanshiyaha Neymar.”

Mbappe “Ma ahan in aan ka welwelno maqnaanshiyaha Neymar.”

Himilo FM –Weeraryahanka Paris Saint-Germain xiddiga lagu magacaabo Kylian Mbappe ayaa ku adkeystay in kooxda aysan u baahneyn ka walwalidda kulanka ay wajahayaan Manchester United ee tartanka Champions League.

PSG ayaa u safri doonta Old Trafford lugta koowaad wareegga 16-ka Champions League 12-ka Febraayo.

United ayaa ku riyaaqday guulo fara badan tan iyo markii Ole Gunnar Solskjaer lagu bedelay Jose Mourinho hoggaaminta kooxda bishii December laakiin kooxda Ligue 1 ayaa guuldareysatay kulankii ugu horreeyay ololahan kaddib guuldarro ay kala kulmeen Lyon habeenkii axadda.

Kooxda horyaalnnimada Faransiiska waxaa labada lugood ee 16-ka ka maqnaanaya Neymar, laakiin Mbappe ayaa ku adkeystay in sheekadaasi aysan aheyn mid laga walwalo.

“Kama walwelin kulanka Champions League. Waa inaan u ciyaarnaa si waajib ah  kulanka Champions League, “ayuu Mbappe u sheegay suxufiyiinta.

Waxa uu intaa raaciyay “Hadafka ayaa ahaa in aan baaqi ku sii ahaano, iskuma dayi doono in aan mar kale khasaarno dhammaadka xilli ciyaareedkan, waa wax adag, haa waa in aad ciyaartaa la’aanta  Neymar waa oo aad aqbashaa.”

Mbappe ayaa dhaliyay 22 gool 25 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkan, oo uu ku jiro seddex gool lix kulan oo uu ciyaaray Champions League ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan