Himilo – Kylian Mbappe ayaa tilmaamay in uu qiimeyn doono mustaqbalkiisa kooxda Paris Saint-Germain dhammaadka xilli cayaareedkan.
Liverpool iyo Real Madrid ayaa lala xiriiriyay ciyaaryahanka laakiin waxaa la rumeysan yahay in 21 jirka uu hadda daneynayo in uu macno ka sameeyo kooxdiisa.
“Waxaan joognaa bisha Janaayo, waa xilliga lacagta ee xilli cayaareedka,” ayuu yiri laacibkii hore ee Monaco.
Waxa uu intaa raaciyay “Qiyaas haddii aan kaaga jawaabo su’aashaada oo aan wax kuu sheego, qof kasta ayaa ka hadlaya.”
Mbappe ayaa xusay in uu hadda 100% la joogo PSG islamarkaana uu doonayo in kooxda uu ka caawiyo inay guul sameyso xagaagan.
Laacibka oo sii qaatay hadalka ayaa yiri “ Waa in aan xoogga saaraa PSG, kaddib marka uu dhammaado xilli cayaareedka, waan arkeynaa.”
Mbappe ayaa dhaliyay 18 gool 19 kulan oo uu u saftay kooxda Faransiiska Ligue 1 iyo Champions League.