Home / Habka-Nolosha / Mehrez oo raba in Barcelona uu ku biiro.

Mehrez oo raba in Barcelona uu ku biiro.

Muqdisho – Laacibka naadiga Leicester City, Riyad Mahrez ayaa sugaya in Barcelona ay u sameyso codsi ah inuu ku biiro xilli uu jeedaalinayo ka tegista horyaalka PL England, marka loo eego  Sport.

Mahrez ayaa lagu soo warramayaa inuu dalab ka helay kooxaha Arsenal iyo Chelsea, hayeeshe wuxuu quudarraynayaa inuu ka ciyaaro horyaalka La Liga Spain iyo kooxda Barcelona.

Geesta kalana, laacibka Zlatan Ibrahimovic ayaa heshiis la gaaray kooxda Los Angeles Galaxy kadib kolkii naadiga United-ka ay iska fasaxday, marka loo eego  Marca.

Weeraryahanka xulka Qaranka Sweden ayaana lagu wadaa inuu tallaab kama danbays ah horay ugu qaado xaqiijinta mustabalkiisa.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan