Muqdisho – Paul Merson ayaa ka walwalsan in Alex Sanchez uu uga tegi karo Arsenal dhinaca Manchester City xagaagan, hayeeshe wuxuu sheegay in Gunners-ku ay baddal ahaan kaga qaadan karaan Sergio Aguero.
Kooxda Arsenal ayaa laacibka 30-gool xagaagan u dhaliyay waxaa su’aalo badan ka hareeyey mustaqbalkiisa xilli uu isku diyaarinayo inuu galo 12-kii bilood ee heshiiskiisa uga dhiman.
Tiiyoo heshiis kordhin ilaa hadda aan la sameynin, waxaa lasoo jeedinaya in iibkiisa laga hor tagi karo – halka uu naadiga u goyn karo qiimo mug leh.
Kooxda loolanka PL kula jirta ee City – taas oo laacibiin dhowr ah sanadihii tagay ka qaadatay Arsenal – ayaa hadda lala xiriirinayaa, hayeeshe Merson ayaa soo jeedinaya in hal jiho lagu kala baxo.
Laacibkii hore ee qadka dhexe wuxuu Sky Sports u sheegay: “Macalinku wuxuu leeyahay waa halis in laga iibiyo, laakiin anigu waxaan ku badalan lahaa Aguero.”
“Taasina waxay xagal-daacin ku tahay macalin Pep waayo isaguba wuxuu doonayaa inuu xejiyo tayadiisa.”