Home / Habka-Nolosha / Mertesacker oo ku riyaaqsan kusoo laabashadiisa ciyaaraha.

Mertesacker oo ku riyaaqsan kusoo laabashadiisa ciyaaraha.

Muqdisho – Daafaca Arsenal, Per Mertesacker ayaa aad ugu riyaaqsan inuu sameeyo safashadiisii ugu horreysay kadib markii uu kasoo kabsaday dhaawac soo gaaray.

Baxnaanada joogtada ah ee ku baxday soo kabsashadiisa ayaa laacibkan ka dhigtay inuusan ka qeyb-galin inta badan xagaaga 2016/2017, hayeeshe wuxuu badalay Gabriel Paulista ciyaartii shalay ay 3-1 kaga adkaadeen Everton isaga oo dheelay 37-daqiiqdo oo ka dhinneyd kulanka.

“Waxaa ina hareeyey dhaawac nagu reebay keydka,” ayuu laacibkan u sheegay mareegta kooxda.

“Hayeeshe nasiib-darro ganaaxa ku dhacay Laurent Koscielny ayaa fursad ii siiyay inaan dib u ciyaaro.”

“Balse wali waaxaan dareemaya samaan daacaddii. Wixii aan tababarka ku sameeyeynayay sanadkii hore ayaan dib u bixinayaa. Kula jirista gegida asxaabtayda, waa wax aan 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku howlanaan jiray. Waana baranayaa wali.”

“In kasta oo waxba aynan ku qaadan hubaal, hadana wuxuu ahaa kulan gaar ah.”

Arsenal ayaa lumisay fursaddii ay kaga mid noqon laheyd kooxaha sanadka soo socda ka qeyb-gala tartanka Champion League. Waxaana booska afaraad ka ciriirsatay kooxda Liverpool. Hayeeshe Mertesacker ayay diiradda u saaran tahay inay ku guuleystaan koobka FA Cup-ka oo ay finalkiisa la balan san yihiin Chelsea.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan