Home / Habka-Nolosha / Messi oo goolkiisii koobaad ka dhaliyay Buffon.

Messi oo goolkiisii koobaad ka dhaliyay Buffon.

Muqdisho – Lionel Messi ayaa ugu danbeyn gool ka dhaliyay goolhaye Gianluigi Buffon iyada oo Barcelona ay 3-0 ku garaacday Juventus kulankii ugu horreeyay ee Champions League Talaadadii.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolashiisii ​​95aad iyo 96aad ee Champions League, isaga oo jabiyay rikoorkii ahaa in waayihiisa kubadda cagta uusan gool ka dhalin gool haye Gianluigi Buffon, kadib markii uu kubadda si xoogan ugu qaraacay cagta bidix ayuu si taraarax ah dhanka bidix kaga dhigay Buffon.

Messi wuxuu sidaas oo kale qeyb ka ahaa goolkii labaad ee Ivan Rakitic markii kubad uu lasoo galay diilinta ganaaxa uu dhaliyay laacibka lambarka afaraad ee Ivan, Leo ayaana mar kale ku ciqaabay Buffon goolka saddexaad ee  ciyaarta.

Goolashan ayaa ahaa goolashii ugu horreeyay ee Messi uu ka dhaliyo Buffon oo 39-jir ah, Leo ayaana wax gool kasoo dhalin laacibkan saddex kulan oo hore uu kahor yimid.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan