Home / Cayaaro / Messi oo Barcelona ku booriyay bartilmaameedka Juventus

Messi oo Barcelona ku booriyay bartilmaameedka Juventus

Himilo FM –Lionel Messi ayaa doonaya in kooxda Barcelona ay u dhaqaaqdo saxiixa Leroy Sane.

Leroy Sane ayaa u muuqda mid aan ku faraxsaneyn xaaladda hadda ee kooxda Manchester City. Pep Guardiola ayaa ka doorbidday Raheem Sterling iyo Bernardo Silva in uu si joogta ah ugu ciyaarsiiyo kulamada muhiimka ah.

23 jirkan ayaa diiday in  uu qandaraas cusub u kordhiyo kooxda Manchester City, waxaana uu shaki ku hareereysnaa mustaqbalkiisa Etihad.

Bayern Munich iyo Juventus ayaa la sheegay inay xiiseenayaan Sane balse warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in Lionel Messi uu doonayo in Barcelona ay u dhaqaaqdo garabkan tayada sarre leh.

Kooxda ka dhisan gobalka Catalan ayaa diyaarineysa €90 million Euro oo ay ku dalbanayaan saxiixiisa. Barcelona ayaa rajeyneysa in Sane ay weerarka kula lamaaniso xiddigaha Suarez and Messi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan