Home / Cayaaro / Messi oo billad kale ku guuleystay

Messi oo billad kale ku guuleystay

Weeraryahanka Xulka ARgentine iyo Kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalgudka ugu wanaagsan Ragga ee ay bixiso FIFA ,

Messi waxaa uu billaddan ku garaacay xiddiga ay ka midyihiin Kylian Mbappe iyo  Karim Benzema oo u dhashay Faransiiska.

Labada Xiddig xulkooda France waxaa uu gaaray kama dambeysta Koobka Adduunka ee 2022 lagu qabtay Dalka Qadar,waxaase ka qaaday xulka Argentine ee uu kabtan u ahaa Messi.

Messi ayaa  27 gool dhaliyay  49 kulan oo uu saftay 2021-22,kuwaas oo isugu jira Qarankiisa iyo Kooxda PSG,waxaana ay taasi ka dhigtay in uu hanto Ninka ugu wanaagsan Ragga ee FIFA 2021/2022.

Lionel Scaloni,oo ah Tababaraha Argentine ayaa isagana qaatay macallinka ugu wanaagsan,waxaana uu garaacday Pep Guardiola oo lix horyaal ku hoggaamiyay  Manchester City Tababaraha Real Madrid,  Carlo Ancelotti oo ku guuleystay Champions League.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan