Ciyaaryahanka Reer Argentine ee dhawaan ku biiray Kooxda ka ciyaarta horyaalka Kubadda Cagta Mareykanka ee Inter Miami Lionel Messi ayaa dhaliyay laba gool midna caawiyay isaga oo Kooxdiisa guul ku hoggaamiyay.
Xiddiggan ayaa waxaa uu kulankii kowaad beddel ku soo galay waxaana uu daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa laad xor ah kaas oo ay guul ku gaartay hayeeshee xalay ayuu kulankiisa ugu horreeyay ee Inter Miami ku soo billowday.
Waxaa ay Kooxda Inter Miami 4-0 uga badisay Kooxda Atlanta United ee ay iskala Ciyaaraan MLS ka Mareykanka.
Xiddigan ayaa iska diiday dalab lacageed ka badan $3oom doolar oo uu ka qaadan lahaa Kooxda Al Ahli ee dalka Sucuudiga waxaana uu ka door biday Horyaalka Mareykanka.
Messi waxaa uu sheegay in hadda kaddib ujeeedadiisu aysan ahayn lacag ee ay tahay in uu xirfaddiisa farxad ku dhameysto.