Waxa soo baxaya xogta ku gedaaman halka uu qabanayo Lionel Messi oo ay isku dhaceen PSG kuna dhawaaqday in la ganaaxay.
Xiddigga ayaa iyada oo aysan ka war qabin PSG u safray Sucuudiga halkaas oo la sheegay in uu qandaraas uu xagaaga dambe ugu wareegayo kula galay Kooxda Al Hilaal.
Arrinkaas oo ay ka carootay PSG ayaa sababtay in ay ganaaxdo, laakiin khubarrada Ciyaaraha waxaa ay sheegayaan in ganaaxa Messi ay ku deg degtay PSG maaddaama uu yahay xiddig aad loogu loolamayo.
Waxaa ay warbaahinta Carabta qirayaan in Messi uu Al Hilaal ku heshiiya Adduun lacageed oo dhan £320million, taas oo ku laba laabanta Lacagta uu Ronadlo ka qaato kooxda Al Nasar oo dhan £175m sanadkii.
Marka uu Messi ku biiro Horyaalka Sucuudiga xagaaga dambe waxaa ay ka dhigantahay in labada Nin ee ugu laacibsan kubadda Cagta ay iska hor iman doonaan mar kale.