Home / Cayaaro / Messi oo qiimeyn cusub ku garaacay Ronaldo

Messi oo qiimeyn cusub ku garaacay Ronaldo

Himilo- Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa dunida ka sameeyay saameyn cajiib ah iyaga oo weli fursad u heysta inay wax kale sii qabtaan, wakhtiga uga haray ciyaarista kubadda cagta.

Juventus xiddigeeda Ronaldo oo 34 jir ah iyo Barcelona laacibkeeda Messi oo 32 jir ah waxaa u dhaxeeya farqi yar oo goolal ah iyada oo uu kabtanka Barcelona uu heysto fursad uu ku dhaafi karo ninka ay sida weyn u xafiiltamaan.

Dabcan xirfaddooda waxay dhaliyeen goolal badan iyada oo uu Messi haatan shabaqa dhex dhigay 671 gool kaddib markii uu ciyaaray 823 oo kulan, halka xiddiga Portugal uu heysto 695 gool oo uu ku dhaliyey 966 kulan oo uu ciyaaray.

Qiimeynta labada xiddig:

Juventus weeraryahankeeda waxa uu dheelay 966 kulan isaga oo dhaliyey 695 gool= 0.72 ayuu kulan waliba gool dhalinayey Ronaldo.

Barcelona kabtankeeda ayaa saftay 823 ciyaar waxa uu shabaqa dhaafiyey 671= 0.82 ayaa lagu qiimeyay in uu kulan waliba gool dhalinayey.

Messi ayaa ah midka hadda fiican marka loo eego qiimeynta ku dhisan in kulamo yar goolal lagu dhaliyo, isaga oo laba sanno ka yar Ronaldo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan