Home / Cayaaro / Mesut Ozil “Meelna ugama socdo Arsenal.”

Mesut Ozil “Meelna ugama socdo Arsenal.”

Himilo- Mesut Ozil ayaa meesha ka saaray wararka ku jira suuqa ee tilmaamay in uu ka tagayo kooxda Arsenal isaga oo ku adkeystay in garoonka Emirates uu yahay hoygiisa islamarkaana uu ku faanayo heshiiskiisa illaa xagaaga 2021.

Ozil oo kamid ahaa saxiixyadii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda ayaa laga waayay safka hore ee kooxda dhowr ciyaar, waxayna u muuqataa in uusan ku qanacsaneyn tababare Unai Emery.

Emery ayaa u sheegay warbaahinta in Ozil looga mudan yahay shaxda kooxda Gunners-ka taasi oo loo fasiray siyaabo kala duwan.

Hadalkaasi waxa uu keenay wararka la xiriira in kooxda fasaxeyso ciyaaryahanka iyada oo ka tanaasuleysa kharash badan si ay u soo qaadato saxiix cusub.

31 jirka ayaa caddeeyay in uusan damacsaneyn ka tagista kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates.

Ciyaaryahanka reer Jarmal ee Ozil ayaa u sheegay The Athletic in uu heysto heshiis ku simman 2021-ka islamarkaana uu joogayo kooxda Arsenal.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan