Home / Cayaaro / Mesut Ozil oo caqabad kala kulmaya shirkadda Adidas

Mesut Ozil oo caqabad kala kulmaya shirkadda Adidas

Himilo – Mesut Ozil ayaa la rumeysan yahay in uu wajihi doono caqabad ah in aan loo cusbooneysiin doonin xagaagan heshiiska uu kula jiro shirkadda Adidas kaddib todobo sanno.

 Xiddiga Arsenal ayaa sannadkii 2013, waxa uu heshiis ku kacaya qiimo dhan £22m la galay shirkadda sameysa dharka ciyaaraha.

Laacibkan ayaa iska casilay darajada ciyaaryahannimo ee xulka qaranka Germany kaddib markii uu sawir la galay madaxweynaha dalka Turkiga mudane Erdogan.

Shirkadda ayaa sidoo kale isku dayaysa in badbaadin isu sameyso inta lagu guda jiro marxaladda Germany.

Adidas waa shirkadda labaad ee ugu weyn inta uu xayaysiimaha u sameeyo laacibkan ee uu luminayo xilli laacibka uu waayay shirkadda gawaarida sameysa ee Mercedes sannadkii 2018.

Ozil ayaa ah shaqsiga ciyaartoy ee ugu mushaarka badan isaga oo isbuucii guddooma £350,000 a wuxuuna heshiiska uu kooxda kula jiro dhacayaa 2021.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan