Home / Habka-Nolosha / Mesut Ozil oo heshiis cusub la galaya Arsenal.

Mesut Ozil oo heshiis cusub la galaya Arsenal.

Muqdisho – Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo Arsenal haddii loo dhiibo lambarka 10aad oo uu hadda xiran yahay Jack Wilshere.

29 jirkan ayaa qandaraaskiisa Gunners uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu horay iskaga diiday inuu saxiixo heshiis cusub, madaama uu raadinayo mushahar ka badan kan uu haatan qaato oo gaaraya 140 kun ginni.

Laakiin sida laga soo xigtay The Sun, xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa ka fikiraya inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda haddii loogu badelo lambarkiisii 11aad kan 10aad.

Wilshere – sidoo kale qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, wuxuuna xirnaa funaanadda lambarka 10aad tan iyo markii Robin van Persie uu ka tagay naadiga sannadkii 2012, halka Ozil uu hadda xirto lambarka 10aad ee dalkiisa, wuxuuna horay usoo xirtay lambarka 10aad ee Real Madrid.

Ozil ayaa dhawaan sheegay inuu doonayo inuu wax walba siiyo Arsenal si uu u hubiyo mustaqbalkiisa.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan