Home / Cayaaro / Mesut Ozil oo loo raadinayo kooxo bixin kara mushaarkiisa

Mesut Ozil oo loo raadinayo kooxo bixin kara mushaarkiisa

Himilo FM –Dhexdhexaadiyayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeynayaan sidii ay u heli lahaayeen naadiyo awood u leh oo uu ku biiro Mesut Ozil iyadoo laacibka Jarmalka uu doonayo in uu ka tago Arsenal xagaaga suuqa kala iibsiga.

Ozil ayaa qandaraas cusub oo uu ku qaadanayo 350 kun ginni isbuucii u saxiixay Gunners sannadkii hore, heshiiska uu kula joogo kooxda ka dhisan Emirates Stadium ayaa socon doona illaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-ka.

30 sanno jirkan ayaa la rumeysan yahay in xiriirka uu kooxda la leeyahay uu yahay mid aan wanaagsaneyn. Weeraryahankan ayaa seegay kulamo badan intii lagu guda jirey xilli ciyaareedkan, dhaawacyo, jirro iyo arrimo kale ayey ahaayeen sababaha kalifay in laacibkan uusan kasoo muuqan safka kooxda.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, dhexdhexaadiyayaashu waxay ka shaqeynayaan inay helaan kooxo awood u leh oo bixin kara mushaarka Ozil.

Kubad sameeyaha ayaa keliya seddax gool dhaliyay, halna caawiye ka noqday 14 kulan oo Premier League ah oo u ciyaaray xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan