Home / Habka-Nolosha / Mihajlovic: “Donnarumma waa inuu joogaa AC Milan.”

Mihajlovic: “Donnarumma waa inuu joogaa AC Milan.”

Muqdisho – Sinisa Mihajlovic ayaa rumeysan in goolhayaha da’yarka Gianluigi Donnarumma ay ku fiican tahay inuu ku nagaado kuna kobciyo xirfaddiisa kooxda AC Milan.

Donnarumma, oo 18 jir ah ayaa ka caraysiiyay taageerayaasha Milan kadib markii shaaca laga qaaday inuusan heshiiskiisa kordhin doonin marka uu dhamaado.

Mihajlovic oo hadda talada u haya Turino ayaa Donnarumma kamid dhigay ciyaartoyda Seria A 16 jirkiisii sanadkii 2015, wuxuuna rumaysan yahay inuu sii joogo AC Milan.

“Gigio waa adag tahay, walise waa gaban,” ayuu u sheegay Sky Italia.

“Si uu noqdo xiddig, waa inuu ku koraa deegaan laga jecel yahay caawin karana.”

“Looma baahna laab lakac lagu degdego, in kasta oo aan ogahay in wakiilkiisu sidaas doonayo.”

“Wuxuu kusoo baxayaa udub muhiim u ah xulka Talyaaniga, waxayna ila tahay in labada dhinac ay arrinta ku dhamayn karaan is af garad. ”

Donnarumma ayaa afar kulan oo caalami ah u saftay xulkiisa, isaga oo 70 jeer ka badan u saftay naadigiisa AC Milan.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan