Home / Cayaaro / Milan oo £ 68 milyan dul dhigtay bartilmaameedka Madrid ee Icardi

Milan oo £ 68 milyan dul dhigtay bartilmaameedka Madrid ee Icardi

Himilo FM –Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay £ 68 milyan oo gini ku iibineyso weeraryahanka dhexe ee Mauro Icardi iyadoo Real Madrid ay isku diyaarineyso inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Argentina xagaaga.

Icardi ayaa laga saaray kabtanka kooxda Inter bishii Febraayo mana uusan u ciyaarin kooxda mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee Serie A.

26 jirkan ayaa qandaraaskiisa haatan ee San Siro ku egyahay bisha June 2021, waxaana uu u muuqdaa in kooxda laga iibin doono ka hor xilli ciyaareedka 2019-2020.

Sida ay qortay jariiradda AS, Madrid ayaa la hadashay maamulka Inter toddobaadkii hore, waxaana lagu wargaliyay in 68 milyan oo ginni ay tahay qiimaha lagu iibin karo ninka kasoo jeeda koonfurta Ameerika, kaasi oo 122 gool u dhaliyay 210 kulan oo uu u saftay kooxdiisa tartamada oo dhan.

Kooxaha Serie A ee Napoli iyo Juventus ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseynayaan Icardi, halka Manchester United ayaa sidoo kale la tilmaamayo inay ka fiirsaneyso inay lasoo saxiixato xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan