Home / Habka-Nolosha / Milan oo PSG amaah kaga codsatay xiddigeeda Krychowiak.

Milan oo PSG amaah kaga codsatay xiddigeeda Krychowiak.

Muqdisho – Kooxda AC Milan ayaa weydiisatay Paris Saint-Germain ciyaaryahanka Grzegorz Krychowiak in ay ku siiso qaab amaah ah, sida ay sheegeyso Corriere dello Sport.

Xaqiiqatan ma ahan markii koobaad ee ay xiiso u muujiyaan laacibkan u dhashay Poland ee qadka dhexe ka ciyaara.

Wuxuu ahaa dooqa koobaad Rossoneri ka hor inta aysan dhameystirin ciyaar yahankii Lazio ee Lucas Biglia, hayeeshee ciyaaryahanka reer Argantina ee horraanba dhaawacmay.

Waxey rajeyneysa Milan in ay ku  hesho Krychowiak qaab amaah, iyada oo aan dooq u heysan in ay iibsato, PSG ayaa xiddigan kasoo bixisay €33 milyan kana kasoo qaadatay kooxda reer Spain ee Sevila.

27 jirkan aya ku fashilmay in uu boos joogto ah ka helo kooxda reer France ee PSG, wuxuuna u sameeyay kaliya 19 soo muuqasho.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan