Home / Cayaaro / Milan wac daro ma dhigi kartaa caawa?

Milan wac daro ma dhigi kartaa caawa?

Kooxaha kubadda Cagta Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa ku loolamaya kulanka kala bax ah ee lugta labaad tartanka Champiosn League kaas oo ay Inter Milan 2-0 ku badisay lugtii 1aad.

Khubarrada Ciyaaraha ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ay AC Milan wacdaro ka dhigto caawa una soo baxdo finalka tartanka.

kuwo kale ayaa sheegaya in AC Milan fursaddeedu ahayd lugtii 1aad lagana adkaaday oo ay sidaa ku hartay.

Labada Koox ee ku loolama Magaalada Milaano,waxaa ay tii soo baxdaa ku dhici doontaa Man City iyo Real Madrid oo lugtii 1aad ku kala baxay 1-1, kuwaas oo habeen dambe ciyaari doona.

Kulankan waxaa uu ka dhici doonaa garoonka ay sharikada ku yihiin labada kooxood ee San Siro
waxaana garsoore loo soo xulay Clement Turpin .

Milan 2007dii ayaa ugu dambeysay tartankan oo ay ku guuleysato markaas oo ay 2-1 kaga adkaatay Kooxda reer England ee Liverpool, halka Inter ay ugu dambeysay 2010kii, markaas oo ay 2-0 uga adkaatay kooxda Reer Germany ee Bayern Munich.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan