Home / Cayaaro / Milner oo weli sugaya wadahadalada qandaraaskiisa Liverpool

Milner oo weli sugaya wadahadalada qandaraaskiisa Liverpool

Himilo – Mustaqbalka James Milner ee Liverpool ayaa ah mid aan la hubin sida halyeeyga uu shaaca ka qaaday inuu wali sugayo in uu maqlo wadahadalada qandaraaskiisa ee suurtagalka ah.

Milner ayaa qandaraaskiisa ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana laga yaabaa inuu ka tago Anfield, halkaas oo uu ugu biiray si xor ah  xagaagii 2015-ka.

33-sanno jirkan oo Liverpool ka caawiyey inay ku guuleystaan Champions League xilli ciyaareedkii hore ayaa sheegay inuusan ka maqlin kooxda heshiis cusub oo suurtagal ah.

“Sannadkii hore waan la hadalnay naadiga, waxaana weydiiyay haddii ay doonayaan inay wax sameeyaan, ” Milner ayaa sidaasi u sheegay U.K Media.

Milner wuxuu  ciyaaray ugu yaraan 40 kulan tartamada oo dhan midkasta afartii xilli ciyaareed ee uu joogay Liverpool, oo uu ku jiro 45 kulan oo uu u ciyaaray 2018-19.

Ciyaaryahankii hore ee xulka England ayaa rajeynaya inuu sii wadi karo qaab ciyaareedkiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan