Miyuu isbadalka cimilada saameyn ku leeyahay dhalashada lab iyo dhedig?

Himilo – Saynisyahano katirsan machadka Hugai ee dalka Jabaan ayaa shaaciyay in isbadalada iyo musiibooyinka xagga cimilada inay saameyn ku leeyihiin dhalashada carruurta iyadoo wiilasha yihiin kuwa ugu nugul.

Sida laga soo xigtay baarayaasha, duruufaha cimilada ee xun ayaa saameeyay dhalashada carruurta, waxaana si gaar ah loo xusay in sababta dhalashada wiilasha u yartahay loo aaneyn karo arrintaasi.

Khubarada ayaa tusaale u soo qaatay in deegaanada heer kulkooda sarreeyo inay  ku dhashaan inta badan wiilasha sida ay qortay warbaahinta CNN-ka oo soo xiganaysa khubarada.

Saynisyahanada ayaa baaray xogaha dhalasho ee deegaano badan oo ay ka jiraan duruufo xagga cimilada ah sida dhulgariir iyo Sunami, waxaana u soo baxday in dhalashada jinsiga labka ah yaraato marka ay dhacaan musiibooyinka.

Natiijooyinka daraasado hore sida mid laga sameeyay wadamada Scandinaviyanka intii u dhaxaysay 1878-1914 ayaa muujisay in isbadalka cimilada sida hoos u dhaca heer kulka uu hoorseeday in tirada dhalashada labka yaraato.

Baaritaan kale ayaa qeexay in kororka heer kulka uu kordhiyay dhalashada wiilasha 0.06% marka loo fiiriyo dhalasha haweenka.

Khubarada ayaa aaminsan in kororka heer kulka uu saameyn toos ah ku leeyahay dhalashada bini’aadamka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan