Home / Cayaaro / Miyuu Joel Matip diyaar u yahay kulanka Man Utd iyo Liverpool?

Miyuu Joel Matip diyaar u yahay kulanka Man Utd iyo Liverpool?

Himilo- Joel Matip ayaa dib u amba qaaday tababarka kooxda ee Melwood, talaadadii maanta gelinkeeda hore kaddib markii uu nasiino helay intii lagu guda jiray fasaxii qarramada.

Xiddigan waxa uu dhaawac soo gaaray kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen Sheffield United  bishii September 28, waxa uuna seegay daafaca dhexe kulamadii ay Reds la ciyaartay kooxaha FC Salzburg and Leicester City.

Si kastaba, Matip waxa uu subaxaan qeyb ka ahaa xiddigaha qaatay tababarka naadiga, wuxuuna diyaar u yahay kulanka Axadda ay la ciyaarayaan Manchester United kana dhici doona Old Trafford Alisson Becker ayaa sidoo kale la tababartay shabaq ilaalilayaasha Liverpool, wuxuuna u dhaw yahay in uu dib ugu soo laabto kooxda kaddib markii dhaawac kasoo gaaray kubka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan