Home / Habka-Nolosha / Molla Wague oo xiiso ka helaya kooxaha Club Brugge iyo Espanyol.

Molla Wague oo xiiso ka helaya kooxaha Club Brugge iyo Espanyol.

Muqdisho – Ciyaaryahankii hore ee kooxda Leicester City, Molla Wague ayaa dalabyo ka helaya kooxaha Club Brugge iyo Espanyol.

Difaacan ayaa ku qarash gareeyay King Power Stadium qeybtii dambe ee xagaagii dhamaaday, hayeeshii waxa uu sameeyay kaliya hal soo muuqasho taas oo u horseeday Dawacooyinka in ay laacibkan u raadiso fasax amaah ah, 26 jirkan ayaa amaah ku soo joogay kooxda Udinese isaga oo ka yimid Granada since 2014.

Sida ay warinayso TMW, Club Brugge iyo Espanyol ayaa labaduba doonaya in ay la saxiixdaan Wague xagaagan.

Waxaa sidaas oo kale macquul ah in xiddigan u dhashay Mali uu u dhaqaao horyaalka Talyaaniga.

Wagué ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay  kooxda Faransiiska ah ee SM Caen, kulankiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ayuuna saftay 6 November sanadkii 2011 markaas oo ay 3–0 kaga badiyeen Dijon.

Labo isbuuc kadib xiddigan ayaa sameeyay soo bilaabashadiisii ugu horreysay oo caalami ah isaga oo dhaliyay goolkiisi ugu horreeyay oo caalami ah, waxayna kooxdiisa markaas 2-2 lagashay kooxda la yiraahdo Ajaccio.

10 July 2014, wuxuu ku biiray kooxda Serie A ee Udinese qaab amaah ah  kadib markii uu ka yimid  Granada.

31 January 2017, Wagué wuxuu ugu soo wareegay Leicester City qaab amaah ah, isaga oo ka yimid Udenese, wuxuuna halkaas ku qarash gareeyay xagaagii lasoo dhaafay.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan