Home / Habka-Nolosha / Montella: Donnarumma waa sida ilmo – mana noqon karo kabtanka AC Milan.”

Montella: Donnarumma waa sida ilmo – mana noqon karo kabtanka AC Milan.”

Muqdisho – Vincenzo Montella ayaa qaboojiyay soojeedin tilmaamaysay in goolhayaha da’yarka ah ee  Gianluigi Donnarumma loo gacan gelin doono kabtannimada kooxda AC Milan haddii uu heshiis cusub lagalo naadiga.

Donnarumma ayaa naftiisa ku dhisay noqoshada xulka hore ee goolhaya Milan labadii xilli ee lasoo dhaafay isaga oo kamid noqday xulka qaranka Italy – in kasta oo wali uu 18-jir yahay.

Kooxo waaweyn ayaa isha la raacaya xiddigan, kooxda AC Milan ayaa gows-danbeed kula dhagan hanashadiisa iyada oo heshiis cusub lagalaysa. Warar ayaase tibaaxaya inuu noqon karo kabtanka kooxda haddii uu heshiis cusub qalinka saaro.

Si kastaba, Montella ayaan la dhicin aragtidan, wuxuuna aaminsan yahay in laacibkan da’yarka ah uusan wali u bislaan xilkaas.

“Donnarumma waa carruur, sida aan malaynayo,” Macalinka Milan ayaa war-fidiyeenka u sheegay kahor ciyaarii ay qaabileen kooxda booska labaad ku jirta ee Rome.

“Waana kasoo horjeeda in da’yarkani loo dhiibo kabtannimada kooxda. Kabtan noqoshadu waa inay noqotaa fahamka kala maareynta iyo isku dubba-ridka hannaanka kooxda.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan