Home / Habka-Nolosha / Morata oo, taariikh ahaan, noqonaya laacibka ugu qaalisan ciyaartoyda Spanish-ka.

Morata oo, taariikh ahaan, noqonaya laacibka ugu qaalisan ciyaartoyda Spanish-ka.

 

Chelsea ayaa 80 Million oo lacagta Yurub ah kula wareegtay ciyaaryahanka Spain u dhashay ee  Alvaro Morata kaas oo ka yimid Real Madrid, wuxuuna laacibkan sidaas ku noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan ciyaartoyda Spain Taariikhda.

Fernando Torres ayaa sanadkii 2011-kii ku biiray Chelsea isaga oo ka yimid Liverpool markaas oo loo caleemo saaray xiddiga ugu qaalisan ciyaartoyda Spain isaga oo lacag dhan 50 milyan ku yimid Blues.

Gaizka Mendieta  oo ka tagay Valencia una dhaqaaqay  Lazio sanadkii 2001 ayaa ah ciyaaryahanka 3aad ee ugu qaalisan laacibiinta Spain ee koox ay la wareegatay – 48 million oo Euro ayuuna ugu dhaqaaqay kooxda Talyaaniga.

Heshiiskii ugu weynaa ee labo koox oo Spain ah dhex mara ayaa ahaa kii u dhaxeeyey  kooxaha Valencia iyo Barcelona markii uu David Villa ka soo tagay Valencia kuna biiray kooxda Barcelona lacag gaaraysa 40 million Euro. Wuxuuna sidaas ku noqonayaa ciyaaryahanka 4aad ee ugu qaalisan Ciyaartoyda Spain, waxaana ka horreeya Alvaro Morata, Fernando Torres iyo Gaizka Mendieta.

Waxaa qoray: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan