Morocco: Lamaane isku guursaday guri lagu xanaaneeyo waayeelada.

Muqdisho – Warbaahinta Dalka Morocco ayaa daabacday Qisada Regragui iyo Mysore oo ah lamaane iska calmaday goob lagu xanaaneeyo waayeelada, Sheekada xiisaha u yeeshay guurkaan ayaa lagu sheegay in Mysore iyada jeceylka iyo guurkaba usoo bandhigatay Regragui.

Bilawga sheekadaan waxa ay aheyd Magaalada Ait Melloul, ee koofurta Morocco, sida laga soo xiganayo wargeysyada gudaha waxa ay Meysore muddo badan ku soo qaadatay qaaradda Europe ka hor inta aysan ka baadi goobin magaaladaan yar lamaanihii nolosha la wadaagi lahaa.

Nolosha weheel la’aanta aawadeed waxa ay go’aansatay iney xargahaa jarto, baadi goobna ay ku billawdo ciddii ay ku aamini laheyd nolosheeda, waliba iyadoon ku wanaagsaneyn adeegsigga Internetka oo dunidaan casrigga ah noqday aas-aasiyaadka nolasha, balse waxa caawiyay jaarkeeda.

Gabadh ay saaxiibo yihiin ayaana kula talisay iney u bandhigto codsigeeda guurka masuuliyiinta goob lagu xanaaneeyo waayeelada oo ay suura gal tahay iney ka hesho asaageeda.

Waxa ayna durba la xiriirty maamulihii xaruuntii loo tilmaamay oo isna ka caawiyay u dooridda shaqsi ku haboon nolosheeda, waxa uuna noqday lamaankeeda cusub ee Regragui.

Isfahankoodii iyo farxadoodii darteed waxa uu maamulihii xaruunta la iska calmaday go’aansaday inu caruuska lagu qabto xanuunkiisa, Regragui oo aad looga yaqiin goobta ayay saaxibadii ku sagootiyeen jawi farxadeed, sidoo kalena waxa ay gacan ku siiyeen taaj qaadidda lamaantiisa.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan