Home / Habka-Nolosha / Morrata: “Verrati oo Juventus imaada ma dhaboobi karto.”

Morrata: “Verrati oo Juventus imaada ma dhaboobi karto.”

Muqdisho – Hoggaanka kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ee Juventus ayaa rumeysan in helidda saxiixa laacibka Marco Verratti ee PSG ay tahay mid aan u dhaboobi karin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga.

Verratti ayaa heshiis shan sanadood ah u saxiixay naadiga PSG hayeeshe laacibka qaran Talyaaniga ayaa lala xiriirinayay kasoo dhaqaaqista horyaalka Lig 1 ee Faransiiska.

Kooxda Juventus ayaana ula muuqan karto in laacibkani soo tiigsan karo, hayeeshe hoggaanka naadiga, Giuseppe Marotta ayaa qaba in laacibka 24-jirka ahi uusan imaaneyn halkan.

“Waan ku faraxsanahay waana laacib weyn oo aan jecelnahay hayeeshe waa inaan ogaanno inaysan maangal ahayn heliddiisa waayo PSG ayaa ula heelan macno kasta oo ay ku hubsan karto joogitaankiisa naadiga,” ayuu yiri Morrata.

Verrati ayaa ciyaartii ay 4-0 ku suldaareen naadiga Barcelona wuxuu ku lahaa kaalin muhiim ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan