Home / Arrimaha Bulshada / Morrocco: Haweenay ku tabarucday 1 Milyan oo doolar

Morrocco: Haweenay ku tabarucday 1 Milyan oo doolar

Himilo FM –Haweenay u dhalatay Morocco ayaa heshay ammaan iyo bogaadin kaddib markay 1 Milyan oo doolar ugu deeqday mashruuc dugsi waxbarasho looga dhisayo galbeedka dalkaasi.

Wararka warbahaahinta Morrocco ayaa tilmaamaya in Najiyah Nadiir la xiriirtay maamulka gobalka iyo wasaaradda waxbarashadda si loo bilaabo mashruuca.

Waxa uu ka kooban yahay mashruuca dib-u-dhiska dugsi sare oo laga sameynayo deegaanka Awlaad Faaris sida laga soo xigtay wakaalada wararka dalkaasi.

Waxay sheegtay haweenayda in waxbarashada tahay waxa keliya ee lagu ilaalin karo dhallinyarada iyadoo ku boorisay dadka hantida leh inay ku tabarucaan awoodooda si loo sameeyo mashaariic intooda badan laga fuliyo miyiga fog.

Sawirrada haweenayda ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyadoo la kulantay ammaan sharafeed ballaaran. Dadka qaar ee dhiibtay faallooyinka ayaa lamid dhigay Najiyah Faaduma Alfahri oo ah haweeenay taariikh wanaagsan ku leh dalkaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan