Himilo –Mason Mount ayay u badan tahay in lagu abaal mariyo ugu yeerida xulka England kaddib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee Chelsea.
Xiddiga khadka dhexe ayaa isha ku haya kooxda Frank Lampard ee Blues, waxaana la filayaa in lagu soo daro xulka isreebreebka Euro 2020 ee bisha soo socota oo ay la ciyaarayaan Bulgaria iyo Kosovo.
Tababare Gareth Southgate ayaa magacaabaya xulkiisa khamiista, waxaana uu taageere u yahay Mount, isagoo ku casuumay inuu tababar la qaato xiddigaha waaweyn ee qaranka ka hor koobkii adduunka ee sannadkii hore.
20 jirkan, oo dhaliyay labo gool afar kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, ayaa loogu yeeray kulamada Nations League ee ay la ciyaareen Croatia iyo Spain sannadkii 2018 laakiin weli ma uusan helin in loogu yeero xulka waaweyn.
Laacibkan ayaa ammaah loogu diray kooxda reer Holland ee Vitesse Arnhem sanadkii 2017, wuxuuna ku riyaaqay waqtigaas isaga oo dhaliyay sagaal gool 29 kulan oo uu saftay.
Kaddib wuxuu u dhaqaaqay Derby County xilli ciyaareedkii hore ammaah kale, wuxuuna ka soo hoos shaqeeyay Lampard, kaasoo halkaas ka bilaabay sannadkiisii ugu horreeyay ee tababarenimo.
Labada nin ayaa si wanaagsan u wada shaqeeyay, waxaana Mount lasiiyay rukhsad uu ugu ciyaaro Chelsea 11-ka xiddig ee dooqa koowaad ah kaddib markii Lampard loo xaqiijiyay inuu yahay macallinka cusub ee Blues horraantii xagaagan.
England ayaa ugu sarreysa Group A kaddib labo guul oo ay ka gaareen labadii kulan ee furitaanka.