Himilo FM –Tababarihii hore ee kooxaha Manchester United iyo Real Madrid José Mourinho ayaa ka hadlay cidda hanan karta jaa’isada Ballon d’Or kaddib markii Cristiano Ronaldo laga cirib tiray Champions League isaga oo qeexay inay iska caddahay taasi oo Lionel Messi uu yahay shaqsiga heysta fursadda ugu badan tartankaBallon d’Or 2019.
Messi ayaa dhaliyay 45 gool xilli ciyaareedkan isaga oo Barcelona ku hoggaamin kara markii seddexaad taariikhda seddex koob 10 sanno gudaheed.
Dhinaca kale Ronaldo ayaa 26 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan balse waxa uu ku guuldareystay in uu Juventus ka saacido tartanka Champions League.
Wareysi uu Mourinho siiyay Russia Today ayuu ku sheegay wax ku saabsan tartanka Ballon d’Or xilli ciyaareedkan.
Waxa uu yiri “Messi waxa uu heystaa xilli ciyaareed aan caadi aheyn, Juventus iyo Cristiano Ronaldo waxaa laga saaray Champions League, waa uu ogyahay in Ballon d’Oray isagu sugeyso.”